12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2024
Midowga Afrika oo go’aamiyay in waddamada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya ay ka qeybgalaan howlgalka AUSSOM
 

Axad, November, 10, 2024 (HOL) - Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in ciidamada ka qeyb galaya howlgalka nabad ilaalinta ee soo socda ee Soomaaliya ay ka imaanayaan oo kaliya waddamada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya.

newsnsideGuddiga Midowga Afrika oo fulinaya go’aannada iyo hawl-maalmeedka Midowga Afrika, ayaa la-tashiyo la sameynaya dalalka Afrikaanka ah ee muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidammo ku biiriyaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee loo diro Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay go’aanna ka soo saaray arrimaha la xiriira taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedeli doona ATMIS. Waxa kale oo uu soo saaray bayaan uu ku faahfaahiyey nuxurka shirka iyo go’aamadii ka soo baxay golaha ammaanka.

Iyadoo dowladda Soomaaliya ay qaabili doonto isla markaana ay martigelin doonto howlgalka xiga ee nabad ilaalinta ayaa golaha ammaanka waxa uu ku dhawaaqay in guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uu la kulmayo dowladda federaalka Soomaaliya si uu wadatashi ugala sameeyo qaabka ay noqon doonaan ciidamada howlgalka ku jira iyo dalalka ay ka imaanayaan.

Dhinaca kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay oo go’aan ka soo saaray khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo go’aankaas uu Guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegay inay si dhow ula shaqeeyaan dhinacyada dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika, hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee ay khusayso si khilaafka labada dal si degdeg ah loo xalliyo.

Si loo xaliyo khilaafka labada dal, guddiga Midowga Afrika ayaa faray in la isticmaalo dhammaan janaalada  diblomaasiyadeed ee ay awoodaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dal lagu saleeyo qodobka 4-aad ee Axdiga Midowga Afrika, Hab-maamuuska dhismaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale mabaadi'da deris wanaaga ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah.