5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2024
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta safarkiisii u horeeyay ugu ambabaxay dalka Kenya
 

Isniin, April, 6, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saakay u ambabaxay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa magaalada Nairobi u tagaya booqasho rasmi ah oo la xariirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Safarka Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeynayo shir muhiim ah oo u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo halkaas ka socday sadaxdii sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Shirkaan maanta la soo gabegabeyn doono ayaa ah mid labada dhinac ay diiradda ku saareen dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha buluugga ah,

Safarkaan uu maanta Nairobi ugu ambabaxay Raysal wasaare Xamse ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay tan iyo markii loo magacaabay xilkaan bishii June ee sanadkii 2022, hayeshee waxaa horay booqashooyin kala duwan ugu tagay Nairobi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana heshiisyo kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya William Ruto.