4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2024
Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqonaysa xubinnimada EAC
 

Isniin, Maarso, 4, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa maanta loogu dhawaaqayaa inay ugu dambayn si rasmi ah u biirtay ururka bulshada Bariga Afrika (EAC), ka dib markii ay soo gaartay bar dhammaadkii ugu dambeeyay ee ku biirista ururkan.

Soomaaliya ayaa ku biiraysa dalalka Kenya, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania oo kamid ah xubnaha ururkan.

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa go'aan Jimcihii lasoo dhaafay kasoo baxay shir aan caadi ahayn oo ahaa midkii 23-aad oo ay yeesheen madaxda EAC.

Galitaanka Soomaaliya ee Bulshada waa mid ku yimid wada xaajood sida lagu  tilmaamay shir madaxeedka 22aad ee aan caadiga ahayn.

Talaabadan ayaa sare u qaadi doonta isku xirka, kor u qaadi doonta ganacsiga iyo dardar galinta qorshaha isbadalka Soomaaliya.