Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 30 Shabaab ah lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada Hoose
Talaado, Maarso, 19, 2024 (HOL) - Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, in ka badan 30 dagaalame oo katirsan Shabaab ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xog sheegaysay in Alshabaab ay isku aruursanayeen deegaannadaas kuwaasi oo waday abaabul weerar sida ay sheegtay dowladda.
Warsaxaafadeedka dowladda waxaa lagu sheegay, in deegaanka Baldooska lagu dilay 24 Shabaab ah, halka 15 kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale Shabaabkii ku dhaawacmay hawlgalladan ayay Shabaabku geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay.
Howlgalladan ayay dowladdu sheegtay inay daba socdaan howlgallo maalmihii ugu danbeeyay ka socday degaano dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada, halkaas oo ay dowladda sheegtay in Shaaabku si dhuumaalaysi ah ku soo galaan.