4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2024
Farmaajo: Waxaan dalka ugusoo laabtay inaan ka qeyb qaato xal u raadinta arrimaha dastuurka
 

Jimco, Maarso, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 16 bilood ka dib markii ugu horraysay maanta dib ugu laabtay magaalada  Muqdisho

Hadal kooban oo jeediyay ayuu ku sheegay inuu magaalada Muqdisho u tagay, sidii uu uga  qeyb qaadan lahaa dedaalada xal loogu raadinayo wax ka beddelka  dastuurka dalka.

“Maanta, waxaan dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho oo aan ka sii amba-qaadayno dadaallada xoojinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna. Marxaladdan xasaasiga ah waxaa waajib ah in aynu gacmaha is qabsanno oo meel iska dhigno khilaafaadka siyaasadeed.” Ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo ah xildhibaan aan dhicin oo katirsan aqalka Hoose, ayaa horey uga horyimid tallaabada ay dowladdu ku doonayso in ay wax uga beddesho qodobo kamid ah dastuurka kumeel dalka.

Warar ayaa sheegaya inuu Farmaajo ku biiri doono dhaqdhaqaaqyo siyaaadeed oo kasoo horjeeda wax ka beddelka dastuurka.