7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2024
Masar oo bisha July duulimaadyo toos ah ka bilaabaysa magaalada Muqdisho
 

Sabti, Juun, 8, 2024 (HOL) - Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare ayaa soo dhaweeyay war saxaafadeed kasoo baxay dowladda Masar oo lagu shaaciyay in bisha soo socota 11-July la bilaabi doono duulimaadyada Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ayaa sheegay inay tallaabadan tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar, isagoo sheegay in fursadaan ay tahay mid ay ka faa’ideysan doonaan shacabka labadda dal.

Shirkadda diyaaradaha EgyptAir ee dalka Masar ayaa jadwalkeeda hordhaca ah lagu qorsheeyay iney todobaadkii labo jeer duulimaadyo ku gaarto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay aad u danaynaysa in ay billowdo duulimaadyada tooska ah ee ka imaanaya Qaahira ilaa Muqdisho.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macallin Xasan ayaa mar sii horraysay kusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.

Socdaalka wafdiga iyo ujeeddada kulamo ka dhacay Muqdisho, ayaa bilow u ahaa qorshaha lagu diyaarinayo duulimaadyo ay ka bilowdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, shirkadda duulimaadyada Egypt Air.