9/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2024
Booliiska gobolka Mudug oo Gaalkacyo kusoo bandhigay nin isku ekeysiiyay Dumarka

Khamiis, Luulyo, 25, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabtay nin dhalinyaro ah oo xirna dharka dumarka.

Ninkaan xirnaa dharka dumarka ee la sheegay inuu iska dhigi jiray qof dumar ah, islamarkaana qaab dumar ahaan uga shaqeysan jiray magaalooyinka Garowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Shire, waxaana la tilmaamay inuu la baxay magaca Aniso Cali Shire.

"Ciidanka Booliiska Gobolka mudug ayaa ku guulaystey Soo qabashada Nin isku ekaysiiyay Dumar kuna shaqeysan jirey Mudo Magalooyinka Bosaso, Garowe ilaa Galkacyo Kaaso lagu Magacabo Axmed Cali Shire 20 jir ah Dhadig ahaana La baxay Aniso cali shire. Soo qabashada eedaysanahaan ayaa waxaa ku guulaystay Taliyaha Saldhiga Kabida ee Magaalada Galkacyo L/Xidigle Axmed Jamac Xayir (Raad goob)" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug.

Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan lagu sameyn doono baaritaan dheeraad ah, islamarkaana la horkeeni doono Maxkamadaha ku shaqada leh si loo marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay.

Ugu dambeyntii xariga ninkan naagta iska soo dhigay ee xirnaa dharka dumarka ayaa kusoo aadaya, iyadoo Xalay magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin kale oo isku ekeysiiyay dumarka, kaasoo sameestay horaadaha dumarka oo ay dad badan u heysan jireen inuu  yahay qof dumar ah.