1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 21, 2024
Somaliland oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo dagaal ka dhan ah qadiyadeeda
 

Axad, January, 21, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu horkacayo dagaal lagaga soo horjeedo Somaliland.

Waxa uu sheegay in kadib markii uu is fahamku badu dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyay dagaalo lagaga soo horjeedo Somaliland, isla markaana uu abaabulay bulshadiisa.

"Arrintii qaranka Somaliland guusha iyo sharafka usoo kordhisay waxa barbar socday dagaal dhinacwalba ah oo uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud" ayuu yidhi Wasiir Buuni.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan aanay ka ahayn bad difaacis, lakiin uu rabo in isaga laga amar qaato, oo uu heshiisyada saxeexo, isla markaana uu ka xunyahay uun in Somaliland ay heshiis gasho.

Waxa uu sheegay in kadib dagaalka balaadhan ee dubulumaasiyadeed ee ay dowlada Soomaaliya qaaday anay uga soo bixin natiijo buurani, isla markaana shirkii ugu danbeeyay ee IGAD ay kasoo baxeen wax dowlada Soomaaliya anay filaynin.

"Dowladuhu waxay kaga jawaabeen is ixtiraam qarankan Somaliland la ixtiraamayo, arrimihiisa aan la farogalinayn, xukuumad ahaana, waanu uga mahadnaqaynaa" ayuu yidhi Wasiir Buuni.

Dowlada Soomaaliya ayaa ganafka ku dhufatay is afgaradka ay gaadheen Itoobiya iyo Somaliland, taasi oo xiisad ka dhex abuurtay Itoobiya iyo Soomaaliya.