2/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 6 , 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyay in Maanta Hoobiyaal lagu garaacay Suuqa bakaaraha
 

Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa Bakaraaha ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaare geystay oo maanta ka dhacay Bakaaraha.

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay ineysan jirin weerar hoobiyaal ah oo lagu garaacay Suuqa Bakaaraha, hayeshee ay ahayeen waxa ka dhacay Bakaaraha qaraxyo ay diyaariyeen kooxda Al-shabaab.

“Waxba kama jiraan hoobiyeyaal wax la yiraahdo oo lagu garaacay suuqan, qaraxyo caadi loo waday ayay ahayeen oo ay kooxdu diyaarisay. waxayna ahaayeen beegsi la beegsanaayay ganacsatada, gaar ahaan ganacsatadii maanta halkan dhibka uu ku gaaray” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo la xariira khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan oo geystay dhimasho iyo dhaawac gaaray dad isugu jiray ganacsato, muruqmaal iyo dad weyne kale.

“Baaritaanka ayaa weli socda oo hay’adaha amaanka ay ku mashquulsan yihiin haddii uu Ilaah yiraahdo gadaal ayaan faahfaahin rasmi ah laga bixin doonaan” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Weerarkaan maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa wararka hordhaca ah ee aan la xaqiijinin ay sheegayaan iney ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, waxaana sidoo kale ku burburiyay dhismayaal iyo goobo ganacsi.












Click here
2/6/2024 11:53 AM EST
Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo maanta hortagay Golaha Wakiilada Shacabka ee Itoobiya ayaa jawaabo ka bixiyay su'aalo ay wakiilada shacabku ka waydiiyeen heshiiskii is afgarad ee dhinaca Badda ahaa ee bil ka hor Itoobiya la gashay Somaliland.

2/6/2024 10:20 AM EST
Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay eedeysane Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ah nin ku eedeysan inuu dhawaan Muqdisho ku gubay Xaaskiisii oo Xaamilo aheyd.

2/6/2024 6:47 AM EST
Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Dhowr hoobiye ayaa goor dhowayd ku dhacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka dhasheen khasaare dhaawacyo ah.

2/6/2024 3:59 AM EST
Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa saaka sannad iyo lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees), oo shalay Hargeysa lagu xidhay sida uu walaalkii u xaqiijiyay Galaydh Media.

2/6/2024 2:58 AM EST
Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa beeniyay warar sheegayay in dowlada Ingiriisku ay wax ka waydiisay baasboorkiisa, isla markaana lagu xidhay London.

2/6/2024 2:08 AM EST
Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Aabaha dhalay gabadhii dhawaan ninkeeda uu ku gubay gudaha magaalada Muqdisho Sheekh Cabdicasiis Maxamed oo ka hadlay soo qabashada ninkii dilay gabadhiisii Luul Sheekh Cabdicasiis ayaa ugu horeyn u mahadceliyay madaxda dowladda Fedaraalka.

2/6/2024 1:44 AM EST
Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale fariin adag u diray dowladda Itoobiya oo ku aadan damaceeda ku aadan iney hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

2/6/2024 1:05 AM EST
Talaado, February, 6, 2024 (HOL) - Cutubyo ka tirsan ciidamada badda Hindiya ayaa la geynayaa biyaha istaraatiijiga ah ee Jabuuti, Gacanka Cadmeed, Xeebta Bari ee Soomaaliya iyo sidoo kale Waqooyiga iyo Badda Carabta.