4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 20, 2024
Soomaaliya iyo Uganda oo Muqdisho ku kala saxiixday dhameystirka heshiis dhanka difaaca ah
 

Talaado, February, 20, 2024 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Uganda Vincent B. Ssempijja oo booqasho shaqo ku tagay Muqdisho, ayaa kala saxiixday dhammaystirka heshiis is afgarad (MOU) oo dhanka difaaca ah.

Heshiiskaan lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, ayay labada dowladood 8-dii bisha Agoosto ee sannadkii 2022 ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay, in sidoo kale uu dhiggiisa la yeeshay kulan la isaga xog-wareysanayay hormumarka laga gaaray la dagaalanka Alshabaab iyo xaqiijinta arrimaha amniga.

Vincent B. Ssempijja oo booqasho kooban ku jooga magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu kormeero xeryaha ay degen yihiin ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Bishii may ee sanadkii hore, Alshabaab ayaa 54 askari oo kasoo jeeda Uganda ku dishay weerar ay ka fuliyeen degaanka Buulo Mareer.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la geeyo dalka ciidamo shisheeye oo beddela howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo lagu wado in dhammaadka sanadkan ay isaga baxaan dalka.

Ciidamada Shisheeye ee loogu talo galay in ay bedelaan ATMIS-ka ayaa la sheegay in loo xil saari doono ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda Muqdisho muddo hal sano ah.