4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 20, 2024
Somaliland oo sheegtay in ay guul ka gaadhay maamulka hawadeeda

Talaado, February, 20, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay guul ka gaadhay maamulka hawadeeda, isla markaana ay tiro badan oo diyaarado ah adeegyo siisay.

Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedaysay in ay faafinayso warar been abuur ah oo sheegaya in Somaliland ay khalkhalisay hawada, lakiin taa badalkeeda ay Somaliland si hufan u maamulayso hawada.

Somaliland waxay hay'adda duulista Soomaaliya ku tilmaantay mid aan garanayn shuruucda iyo nidaamka hawada loo maamulo isla markaana waxay sheegtay in ay ka danbaysay dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable, ayna dilkiisa ku wanjalayso saaxiibadii oo aan danbi lahayn.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda Somaliland ku eedaysay in ay khalkhal galisay hawada, isla markaana waxa ay sheegtay in ay qaadi doonto talaabooyin cusub hadii Somaliland ay ka waantoobiwaydo.

Muranka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa qarxay kadib markii ay dowlada Soomaaliya dib u celisay diyaarado ku wajahnaa Hargaysa bishii hore.