4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 20, 2024
Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Soomaaliya iyo Ethiopia inay galaan wada hadal nabadeed
 

Talaado, February, 20, 2024 (HOL) - Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa taageertay hadal kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ku saabsanaa in la ixtiraamo madaxbannaanida dhuleed iyo midnimadda Soomaaliya.

Catriona Laing oo warbixin ka jeedisay shirka Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqday dhinacyadu inay galaan wada-hadal nabadeed oo waxtar leh iyo inay ka fogaadaan ficilada sii kicin kara xiisado colaadeed ee labada dal.

Hadalka kasoo baxay ergayga Qaramada Midoobay ayaa imaanayaa iyadoo ergayga QM ee Soomaaliya, Danjire Abuukar Daahir Cusmaan uu ka dhawaajiyay walaac xooggan oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha Soomaaliya.

Hadalka danjiruhu wuxuu iftiimiyay arrimaha xasaasiga ah ee ka dhashay faragelinta Ethiopia, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida muhiimka ah ee ixtiraamka madaxbannaanida iyo u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Khudbadii Danjire Cusmaan uu ka jeediyay golaha ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo doorka muhiimka ah ee ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrikaba ka ciyaaraan dadaallada ka hortagga colaadaha.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday sida degdega ah ee loogu baahan yahay Itoobiya inay ixtiraamto mabaadi'da midnimada dhuleed iyo deris-wanaagga, taasoo ka tarjumaysa baaq ballaaran oo ku aaddan ka-qaybgal diblomaasiyadeed iyo xallinta khilaafaadka nabadeed.