4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 20, 2024
Booliiska oo ka hadlay qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay Muqdisho
 

Talaado, February, 20, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qarax khasaare badan geystay oo Xalay ka dhacay Isgoyska Sos ee degmada Heliwa ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in qaraxa kooxda Alshabaab la beegsatay gaari nooca dadweynaha ah iyo Mooto Bajaaj maraayay Isgoyska Sos.

"Khawaarijta Arxanka daran, ayaa caawa fiidkii 19 Feb 2024, dhagar qarax ah la eegatay gaari nuuca dadweynaha ah iyo mooto bajaaj marayay  isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa. Qasaaraha uu qaraxu reebay ayaa ah dhimashada 5 qofood iyo dhaawaca tobaneeyo kale, oo dhamaantood goobta marayay" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa sidoo kale la tilmaamay inuu ahaa miino nooca soo boodada ah, taasoo qabsaday gaariga dadweynaha ee Soomaalida u taqaano BL-ka iyo bajaajta oo ay saarnayeen dad shacab ah oo kusii jeeday guryahooda.

Qaraxaan khasaaraha badan geystay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay Muqdisho ka caaganeyd qaraxyada noocaan oo kale ah, kadib markii amaanka magaalada uu ahaa mid si wanaagsan usoo hagaagayay.