4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 19, 2024
Danjire Abuukar Baalle oo Golaha Ammaanka u gudbiyay xadgudubka Ethiopia ku hayso madax bannaanida Soomaaliya

Isniin, February, 19, 2024 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Ambasaddor Abuukar Cusmaan Baalle ayaa shirka  golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka jeediyay warbixin  ku saabsan xad gudubka Ethiopia ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay, in  xadgudubka Ethiopia ku sameysay dhulka Soomaaliyeed aanu kaliya saamayn ku yeelan doonin xasiloonida gobolka, balse uu khatar weyn ku yahay nidaamka caalamiga ah ee madax-bannaanida iyo dawladaha xorta ah.

Danjiruhu wuxuu sheegay tallaabooyinka ay Ethiopia qaadayso inay hoos u dhigayaan sumcadda Ururka Midowga Afrika. Wuxuu sheegay inay Golaha Ammaanka Midowga Afrika u gudbiyeen walaaca xadgudubka Ethiopia ku hayso madax bannaanida Soomaaliya, balse wuxuu sheegay Ethiopia inay diiday wax kulan ah oo ku saabsan heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland.

Danjiruhu wuxuu kaloo u gudbiyay Golaha Ammaanka in dowladda Ethiopia ay isku dayday inay madaxweynaha Soomaaliya ka hor istaagto inuu ka qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa ka dhacay sabtidii.

“Dowladda Itoobiya waxay  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ku xayirtay hotelka uu degan yahay, waxayna isku dayday inay ka hor istaagto inuu ka qeyb galo shirka madaxda Midowga Afrika si uu u gaarsiiyo farriintiisa,”

Wuxuu sheegay Itoobiya inay si cad ugu xad gudubtay xiriirka labada dal, islamarkaasna ay kor u qaaday khatarta joogtada ah ee ay ku hayso mabaadii’da Midowga Afrika iyo diblomaasiyadda caalamiga ah.