4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 19, 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday xiliga la dhageysanayo dacwadda eedeysane Sayid Cali
 

Isniin, February, 19, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta shaacisay waqtiga ay bilaabaneyso dhageysiga dacwada ka dhanka ah ninka ku eedeysan inuu dhawaan ku gubay Muqdisho Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu faray Kaaliyaha qeybta dambi baarista CID-da in eedeysanaha uu horkeeno Maxkamadda 21-ka bishaan oo ku beegan maalinta Arbacada ah oo ay bilaabaneyso dhageysiga kiiska eedeysane sayid Cali Macalin Daa'uud.

Kiiska eedeysanahaan ayaa waxaa si weyn idhaha ugu wada haayo shacabka Soomaaliyeed oo ka carooday falka lagu gubay Luul Cabdicasiis oo xaamilo aheyd.

Eedeysanaha ayaa dhawaan laga soo qabtay goboka Mudug oo uu u baxsaday, halkaas oo uu kasii qorsheynaayay eedeyaanahaan inuu kasii baxsado oo uu doon ka raaco magaalada hobyo ee gobolka Mudug.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan inaan wali la aasin Luul Cabdicasiis oo wali meydkeeda uu ku jiro Firinjeer, iyadoo ehelada gabadhaasi la gubay ay sheegeen in isku mar la wada aasi doono Luul iyo ninka dilay.

Hoos ka akhriso Qoraalka Maxkamadda oo Faahfaahsan:-