4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 19, 2024
Dagaal saacado badan qaatay oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

Isniin, February, 19, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday maanta Sadhig kooxda Al-shabaab ku laheyd dhul howd ah oo u dhaw deegaanka Cali Yabaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada is garabsanaya iyo kuwa Al-shabaab ayaa la sheegay inuu halkaasi ku dhexmaray dagaal dagaal saacado qaatay, islamarkaana ugu dambeyn ciidamada huwanta ah ay la wareegeen goobaha lagu dagaalamay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegeen in dagaalka maanta ka dhacay dhulka howdka ah ee hoos yimaada Cali Yabaal in jab xoogan ay ku gaarsiiyeen xubnahii Al-shabaab ee ku jiray dhulkaas howdka ah.

"Kooxda Khawaariijta ah oo isku day-day in ay difaacdo saldhiggaas oo muhiim u ahaa ayaa ugu dambeeyn cagta la mariyay oo laga saaray,waxaana hadda xabadu kasii dhaceeysaa dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo Cali Yabaal iyo Cowswayne. xubnaha ka tirsan Khawaariijta ee ku dhuumaaleeysanaaya dhulka howdka ah ayaa hadda noqday qaar la dilay iyo kuwa nolosha lagusoo qabtay" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Dagaalkaan saacadaha badan qaatay ee maanta ka dhacay dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanada hoostaga Cali Yabaal ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab Xalay saqdii dhexe ay weerar ku qadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasoo dowladda ay sheegtay in khasaare lagu gaarsiiyay Ururka Al-shabaab.