4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 19, 2024
Weriye Jamaal Maxamed Cusmaan oo laga musaafuriyay Puntland
 

Isniin, February, 19, 2024 (HOL) - Weriye Jamaal Maxamed Cusmaan oo katirsan telefishinka caalamiga ah ee Channel4 ee laga leeyahay dalka Uk, ayaa laga musaafuriyay Garowe, kaddib markii uu shalay kasoo dagay.

Hay’adaha amniga Puntland ayaa illaa iyo shalay su’aalo weydiinayay, waxaana ugu damayn maanta lagu amray inuu dib ugu laabto dalka Ethiopia oo  waayahan uu ku sugnaa.

Inkastoo dib looga celiyay Garowe, haddana weriyaha ayaa markii hore ogolaansho ka helay wasaaradda warfaafinta Puntland, si uu Garowe u yimaada, isagoo usoo bandhigay qorshahiisa.

Weriyaha ayaa doonayay inuu warbixino ka sameeyo arrimaha burcad badeedda Soomaalida, iyadoo maalmahan ay dib usoo cusboonaadeen weerarada burcad badeedda ku qafaalanayaan maraakiibta iyo doonyaha isticmaala xeebaha degaanada Puntland.

Waa markii labaad oo weriye Jamaal Cusmaan laga tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee sannadkii 2022 ayaa laga musaafuriyay magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyaa inuu yahay weriye u janjeera dhinaca Alshabaab, islamarkaana wuxuu marar kala duwan si dad ban kooxda Alshabaab uga taageeray baraha bulshada.

Wuxuu marar kala duwan safar ku tagay Jilib  isagoo aaminsan inay Shabaab dalka xukumidoonaan.