4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 19, 2024
Midowga Afrika oo markale si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya
 

Isniin, February, 19, 2024 (HOL) - Waxaa Warmurtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka sanadlaha ee Ururka Midowga Afrika oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday xaruntooda oo ku taala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa looga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, waxaana ka mid ahaa qodobada sida gaar ah looga hadlay arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka ay dowladda Itoobiya ku sameysay Soomaaliya.

Warsaxafadeedka kasoo baxay shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa ugu horeyn lagu bogaadiyay hoggaanka wanaagsan ee Madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo guulaha ay ka gaartay dowladiisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale Warmurtiyeedka lagu bogaadiyay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ka taageera howlgalada ka dhanka Ururka Al-sbabaab.

Warmurtiyeedka waxaa si adag looga hadlay heshiis ku sheegii Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan 2024, kaasoo la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya, islamarkaana Somaliland ay u aqoonsaneyso dowlad ka madax banaan Soomaaliya.

"AU waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay iyo inay taageerto midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaro" ayaa lagu yiri warmurtiyeedka kasoo baxay Shir madaxeedka Midowga Afrika.

Gabagabadii Midowga Afrika ayaa ka dalbaday dowladaha xubnaha ka ah iyo beesha Caalamka iney kordhiyaan taageerada iyo kaamlada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii ciidamada Soomaaliya uga guuleysan lahayeen kooxda Al-shabaab iyo xasilinta deegaanada laga saaray.