4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 19, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya Weerar kooxda Al-shabaab ku qaaday degmada Ceeldheer
 

Isniin, February, 19, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay Xalay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo war kooban kasoo saartay weerarkaas ayaa sheegtay iney ka hortagtay weerarka Al-shabaab, kadib markii ay sii heleen xogta duulaanka kooxda.

"Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka oo helay Xogta dhagarta Argagixiso dooneysay iney weeraro Arbushaada ku qaadan Dagmada Ceeldheer ayaa looga hortagay Nawaaxiga Haanta Cagadheere. Guutada 24-aad Khaalid Bin Walid iyo kuwa degaanka ayaa dagaal kooban kadib soo afjaray Xubnaha Al-Shabaab ee dooneyay iney weeraraan Ceeldheer" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Taliyaha Guutada 24-aad ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in xubanaha Al-Shabaab ee soo weeraray Ceeldheer iney gaarsiiyeen Jab culus, islamarkaana wali ay ciidamada ku daba jiraan firxadka kooxda.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa mudo sanad ka badan ka socda dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabaab ee ku sugan goboladaas.