4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Somaliland oo ka hadashay wakhtiga la hirgalinayo heshiiskii ay Itoobiya la gashay
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in dhawaan heshiis rasmi ah loo badali isfahamkii ay Itoobiya la gashay isla markaana loo xilsaaray guddi aqoonyahano ah oo dhamaystirkiisa ka shaqaynaysa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’ oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu wax ka tarayo xoojinta xidhiidhka iskaashi ee Somaliland iyo Itoobiya.

“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xiriir oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arintaas” ayu yiri wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka ayaa beeniyey in saraakiil sar sare oo Itoobiyan ah ay ku sugan yihiin Somaliland sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud balse wuxuu xusay inay jiraan saraakiil sare oo Somaliland oo ku sugan Addisa Ababa, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda D.R. Ciise Kayd Maxamuud.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan magacaabay guddi aqoonyahano, sharci-yaqaano iyo dibulumaasiyiin iskugu jira oo uu hoggaaminayo Amb. Baashe Cawil, kuwaasi oo ka shaqayn doono dhamaystirka heshiiska.

Wasiirka Cali Mareexaan ayaa sheegay in heshiiska loo dhamaystiri doono sida ugu dhakhsaha badan kadibna la horgayn doono golayaasha sharci dajinta.

Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskani uu sababi dooni in Itoobiya ay u aqoonsato dal madaxbannaan, halka dowlada Soomaaliya ay ku tilmaantay madaxbannaanideedii oo lagu soo xadgudbay.