4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Mulkiilaha MMTV oo laga siidaayay Xabsiga Dhexe ee Hargaysa kadib 43 maalmood
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig ayaa laga siidaayay Xabsiga Dhexe ee Hargaysa kadib markii ay Maxamada Gobolka Maroodijeex wax danbi ah  ku wayday, 43 maalmood oo uu xidhnaa kadib.

Wariye Ilig oo waraysi kooban siiyay MMTV markii lasoo daayay, ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay in uu xoriyadiisa dib u helo.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan xoriyadayda helay, waan ku faraxsanahay in aan helay xuquuqdaydii, oo sharciguna i difaacay, sharciguna isoo xidhay" ayuu yidhi Ilig.

Waxa uu sheegay in uu markale bulshada kala hadli doono xadhigiisa, oo aanu imika wax badan sheegi karin madaama oo uu xabsi ku jiray islamarkaana aanu war kahayn wararka suuqa ku jira ee isaga ku saabsan iyo bulshadu waxa ay aaminsantahay.

Garyaqaanka u doodayay wariyaha ayaa sheegay in Sirdoonka Somaliland ay Ilig danbi ka galeen isla markaana ay jidhdil u gaysteen markii ay qabanayeen, iyagoo sifo sharci daro ah ku galay xaruntiisa warbaahineed.

Waxa uu sheegay in wariyuhu uu madada 40 ka maalmood ka badan ku xidhnaa sharci daro, isla markaana ay hay'adda sirdoonka ee NIA ku soo oogtay eedo aad u waawayn kuwaasi oo uu sheegay in ay ka muuqatay cadaawad ay wariyaha si gaar ah ugu qabaan madaxda hay'addu.

Wariye Ilig ayaa xabsiga loo taxaabay xili uu daadihinayay dood si toosa uga socotay barta X ee xaruntiisa warbaahineed, iyada oo ay ciidamo si xoog ah ku galeen warbaahintiisa kadibna ay xoog ku kexeeyeen isaga iyo hawlwadeeno kale.