4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buula warbo ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Buulo warbo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Kuuntawarey ee gobolka Shabeellaha ayaa la sheegay in khasaare lagu gaarsiiyau xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

"Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu laayay Howlgal ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka kaasi oo goor dhow ka dhacay deegaanka Buulo-warbo oo hoos tagta degmada Kuntuwaareey ee gobalka shabeellaha Hoose. Waxaa jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay Cadowga goor dhow la soco faah faahin dheeraad ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo habeen hore howlgal dhanka cirka ah oo ka dhacay duuleedka degmada Kuuntawareey ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxda, islamarkaanka lagu dhaawacay afar kale oo ay ku jiraan horjoogayaal.