4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir ay isagu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo muddo laba maalin ah u socday Wasiirada Maaliyadda heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha,qeybsiga deeqaha kabka Miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamka ay  Soomaaliya siiyaan. Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya Hey’adaha Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka Wasiirada Maaliyadda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad iyo miro-dhal ah. Wasiirka ayaa sheegay in aad looga hadlay arrimaha Maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha dekkedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii shirku uu socday warbixin dheer ka siiyay ka soo qayb-galayayaasha shirarkii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay Hey’adaha Maaliyadda caalamiga ah iyo barnaamijka cusub ee saddexda sano ee soo socda oo ay Hey'adda IMF kala shaqeyn doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

" Waxa si guul noogu soo dhammaaday kulamadii aan yeelanay, waxa kale oo la isla gartay in dib u habeyn ama qiimayn lagu sameeyo waxyaabihii aan ka wadahadalnay. Waxaan sidoo kale diirada saarnay qorshayaasha deyn cafinta kaddib iyo halka loo socdo iyo sidii aan kharashaadka u mareyn lahayn, isku filnaansho dhaqaale u gaari lahayn".  Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale iclmaamiyay in shirkaan midka xiga lagu qaban doono magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhankooda, waxa sidoo kale shirka ka hadalo ka jeediyay Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in shir si miral dhal ku soo dhammaay. Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka Maaliyadda dalka iyo arrimaha kale uu muhiim ah dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka. Shirkaan ayaa waxa aan ka soo qeybgalin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kulanka Wasiirada Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug ayaa sheegay in shirka uu si guul ah ku soo dhammaaday, waxyaabo badan oo ku saabsan mashaariicda horumarineed iyo canshuurahana looga dooday oo la isku afgartay.

Gabagabadeydii shirkaan ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.