4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Dhaqaatiir ajaanib ah oo ay afduub u haysteen kooxda Alshabaab oo geeriyooday
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Labo dhakhtar oo dalka  Cuba u dhashay oo  gacanta ugu jiray kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay, sida ay kooxda Alshabaab sheegtay.

Kooxda Alshabaab ayaa war ay ku baahiyeen bartooda Telegram ku sheegay in dhaqaatiirtaasi ay ku geeriyoodeen duqeyn uu Khamiistii Mareykanka ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Alshabaab ayaa sheegay Maraykanku inuu si ula kac ah u bartilmaameedsaday maxaabiistan oo ay muddo dhowr sano ah gacanta ku hayeen.

“Ma xaqiijineyno mana beenineyno sheegashada kooxda argagixisada ah” ayuu yiri sarkaal katirsan Booliiska oo la hadlay wakaaladda  wararka Turkiga ee Anadolu, isaga oo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababtoo ah looma ogola in uu la hadlo warbaahinta.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Cuba ayaa Sabtidii sheegtay in aan la xaqiijin karin dhimashada la sheegay in lagu dilay labada dhakhtar ee Cuba u dhashay ee Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernandez.

April 12, 2019, Al-Shabaab ayaa afduubtay dhaqaatiirtan  u dhalatay dalka Kuuba, xilli ay ku sii jeedeen howlahooda shaqo ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ku dileen mid ka mid ah ilaaladooda.