4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Kufsi wadareed Garowe loogu geystay gabar 13 jir ah oo kasoo jeeda qoysaska barakacayaasha
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegaya in rag ku labis dareeska ciidanka amniga ay kufsi wadareed u geysteen gabar yar oo 13 jir ah oo kamid ahayd dadka barakacayaasha ah.

Sida aan kasoo xiganay warbaahinta gudaha Puntland iyo dad goob joogayaal ah, falkaan ayaa salaaddii subax ka hor ka dhacay xero barakac ah oo lagu magacaabo Jiingadaha.

Koox falkaan ka dambeysay ayaa gabadha kalasoo baxeen aqalkii ay ku jirtay.

Qoyskeeda iyo dadka degan xaafadda Jiingadaha oo isku dayay inay ka celiyaan gabadha, ayaa lagu handaday gori caaradiis, waxaaana lagu kufsaday iyaga hortooda.  

Dadka xaafadda ayaa inoo sheegay in gabadha hooyadeed sanad kahor ay ku geeriyootay rasaas ay ka dambeeyeen kooxo cabtoy ah.

Laamaha amnigu weli kama hadlin falkan.

Magaalada Garowe ayaa muddooyinii ugu dambeeyay amnigeeda hoos u dhacay, taasoo sababta falalka amni darrada ah oo kusoo badanaya, kuwaas oo loo aanaynayo dadka ku lugta leh maandooriyaha oo aad ugusoo badanaya magaalada Garowe.