4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Golaha Wakiilada Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka Somaliland oo wali lagu muransanyahay, xeerka ayaa lagu meelmariya sidii ay guurtidu u soo gudbisay.

Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Golaha Wakiilada Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in xeerku uu dhaqangalyahay, hadii uu madaxweynuhu saxeexi waayana uu goluhu awood ku dhaqangalin doono.

"Hadii uu saxeexi waayo madaxweynuhu intaanu saxeexno ayaanu faafin rasmi ah ku samayn doonaa, waxaan leeyahay uma danaynaysaan Awdal intii shalay halkaa ka hadlaysay, waxay u socdaan in ay dadka reer Awdal iyo isbahaysiga ay isku dhuftaan" ayuu yidhi Cali Xaamud.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa isna guul taariikhi ah ku tilmaamay codadka aqlabiyada ah ee Golaayasha Wakiilada iyo Guurtida Somaliland ay ku meelmariyeen xeerka guud ee doorashooyinka.

"Qodobka sheegaya 20% maaha mid hada la curiyay, waa mid la sameeyay 2000, oo doorashadii 2002 lagu galay, 2012 kiina kaas ayaa lagu galay, maxaa cusub?" Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamee Abiib.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo saraakiil kale oo Awdal kasoo jeeda ayaa shalay diiday xeerka cusub, iyaga oo ka biyo diiday qodobka sheegaya in 20% codadka guud ay ururadu helaan si ay xisbiyo u noqdaan, waxayna rabaan in qodobka laga dhigo hal dheeri.

Golaha Guurtida ayaa sidookale cod aqlabiyad ah xeerka ku meel mariyay shalay, xukuumada, xisbiga UCID, ururka Hillaac iyo ururo kale ayaa doonaya codka hal dheeriga ah, halka Waddani iyo Kaahna ay rabaan 20% ka.