4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 18, 2024
Haweeney ku eedeysan iney gubtay ninkeedii oo Muqdisho lagu qabtay
 

Axad, February, 18, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay haweeney ku eedeysan iney dhawaan ku gubtay ninkeedii gudaha magaalada Muqdisho.

Haweeneydaan ku eedeysan iney gubtay ninkeedii ayaa magaceeda lagu sheegay Muno Awsame Xuseen, waxaana taliska uu sheegay in haweeneydaan lagu xiray Saldhiga Booliiska degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

"Taariikh 17/2/2024 Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay   Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay.  Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh" ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ka dhacay dilal naxdinta leh oo ka dhex dhacay qoysaska Soomaaliyeed ee lamaanaha ah.

Waxaa sidoo kale wali gacanta dowladda ku jira Sayid Cali Macalin Daa'uud oo isna ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis oo Uur u laheyd, taasoo wali qoyskeeda aysan aasin oo ku jirta Firinjeer mudo ka badan laba todobaad, kuwaas oo dalbanaya iney Cadaalad u helaan gabadhooda.