4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2024
Dowladda Fedraalka oo si kulul uga hadashay xadgudub Itoobiya kula kacday Wafdiga Madxweyne Xasan Sheekh
 

Sabti, February, 17, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay xadgudub diblumaasiyadeed oo ay dowladda Itoobiya kula kacday wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa uga qeyb galaya shirka Midowga Afrika.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya sameysay Xadgudub si ay uga hor istaagto wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh iney ka qeyb galaan shir madaxeeda Midowga Afrika.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay daandaansiga ay dowladda Itoobiya ku dooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 ka dhacaya magaalada Addis Ababa” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in talaabadan ay tahay mid ka baxsan hab maamuuska diblumaasiyadeed iyo kan Caalamiga ah.

“Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, dhammaan dhaqamada aas-aasiga ah ee Midowga Afrika. Hab-dhaqankani waxa uu ku biirayaa liiska sii kordhaya ee falalka gurracan ee ay ku kacaysay dawladda Itoobiya muddooyinkii u dambeeyay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrmaha Dibedda Soomaaliya.

Dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Midowga Afrika inuu xaruntiisa ka raro dalka Itoobiya maadaama Itoobiya ay ku xad gudbeyso wafuuda ka qeyb galaysa shirarka Midowga Afrika.

“Anagoo cambaareynayna falka aan loo meel dayin ee Itoobiya, waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Midowga Afrika inay si deg deg ah u sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo madax-banaan oo ku saabsan falkan foosha xun iyadoo la raacayo hab-maamuuska ururka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii warsaxafadeedka laguma faahfaahin nooca uu yahay xadgudubka lagu sameeyay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay safarka uu ugu ambabaxay madaxweyne Xasan Sheekh dalka Itoobiya ay si weyn u dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, maadaama Itoobiya wali ay ku adkeysanayo heshiiskii ay la gashay Somaliland.