4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2024
Shir u dhaxeeya Wasiiradda Maaliyadda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay
 

Sabti, February, 17, 2024 (HOL) - Waxa Maanta oo Sabti ah ka furnay magaalada Muqdisho shir u dhaxeeya Wasiiradda Maaliyadda dowladda Fedaraalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa Wasiiradda Maaliyadda waxay uga hadli doonaan arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda dalka iyo mideynta canshuuraha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in mudada shirkaan uu socdo lagu gorfeyn doono arrimo badan oo muhiim u ah Maaliyadda dalka.

"Inta shirkaan uu socdo waxaa diiradda ku saari doonaa arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Dhaqaalaha dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, hannaanka sii xoojin kadib barnbarnaamijka Deyn laga cafiyay Soomaaliya ee loo yaqaano HIPC" ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Shirkaan Maanta u furmay Wasiiradda Maaliyadda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa ka maqan oo aan kasoo qeybgalin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland oo ka mid ahaa wasiiradda lagu caasuuumay shirka, waxaana xusid mudan in Puntland ay horay u sheegtay iney u dhaqmeyso sidii dowlad madax banaan oo kale.

Gabagabadii Shirkaan u furmay Wasiiradda Maaliyadda dowladda Fedaraalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa noqonaya kii 21-aad oo ay isagu yimaadaan, waxuuna socon doona mudo laba maalmood ah, kaasoo gabagabadiisa laga soo saari doono Warmutiyeed.