4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2024
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
 

Sabti, February, 17, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ka bixisay howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Kuntawaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kasoo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan oo dhinaca cirka ah ayaa lala beegsaday goob ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 7 ka mid ah Ururka Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay afar kale oo ay ku jiraan horjoogayaal aanan wali magacooda la shaacin.

"Howlgalka oo ahaa Duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka  dhawaca uu yahay  4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan dhinaca cirka ah ee Xalay ka dhacay deegaanka Kuntawaareey ee gobolka Shabeellaha ayaa la sheegay ineysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka shacab ah.

Weerarkaan Xalay ka dhacay Kuntawaareey ayaa kusoo aadaya, iyadoo sidaan oo kale weerar duqeyn ah Xalay ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamka ka fuliyeen duuleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaasoo dowladdu ay sheegtay in khasaare xoogan lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.