4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2024
Nin Soomaali ah oo ku sugan Maraykanka oo lagusoo oogay inuu katirsan yahay Daacish
 

Sabti, February, 17, 2024 (HOL) - Nin Soomaali ah oo haysta dhalasho Mareykan ah ayaa wajahaya eedeymo ka dib markii lagusoo oogay in uu taageero u fidiyay kooxda Daacish, isagoo tababar militari kusoo qaatay xero ciidan oo Daacish ay ku leedahay Soomaaliya.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in Xarafa Xuseen Cabdi oo 41 jir ah oo ka yimid magaalada Minneapolis, lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu maleegay inuu taageero agab ah u fidinayo urur argagixiso oo caalami ah.

Waaxda caddaaladda ee dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ninkan dhawaan loo taxaabay xabsi dibadda ah ka hor inta aan Khamiistii dib loogu celin gudaha dalka Mareykanka.

Sida lagu sheegay dacwadda, Ninkaan ayaa ku biiray ISIS, waxana uu si firfircoon u caawiyay dadaalka dacaayadda ee kooxda Daacish si ay u faafiso fikirkeeda.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in ninkaan uu ka guuray Minnesota, isagoo u soo guuray Soomaaliya sanadkii 2015 si uu ugu biiro kooxda Daacish ee ka dagaalanta degaanada maamul goboleedka Puntland.