4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Galgaduud

Sabti, February, 17, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn duqeyn culus ka geysatay duuleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarada aan duuliyaha laheyn iney duqeynta la beegsatay goob ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Duqeynta ka dhacday duuleedka Galcad ayaa lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka in khasaare xoogan lagu gaarsiiyay xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgal kale oo Xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burbyriyay Saldhigyo kooxdu laheyd.

"Gobolka Shabeellada hoose sidoo kale Ciidamada ayaa howlgal ku burburiyey saldhigyo Cadowgu ku lahaa deegaano ka tirsan gobolkaas. Waxaa jira Khasaaro badan oo Khawaarijta lagu gaarsiiyey howlgaladaas xalay laga fuliyey labada gobol" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada Caalamka ayaa mudooyinkii u dambeeyay howlgalo isugu jira cir iyo dhul ka sameynaayay deegaanada qaar ay ku sugan yihiin Ururka Al-shabaab.