4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2024
Nin waday boorso ay ku jiraan waxyaabaha qarxa oo lagu qabtay Mogadishu
 

Sabti, February, 17, 2024 (HOL) -  Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xalay gacanta ku dhigay nin watay boorso laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

NISA ayaa sheegtay in ninkaan lagu soo qabtay howgal ka dhacay agagaarka xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

“Ciidanka NISA ayaa Fashiliyay Boorso lagu soo qaaday waxyaabaha Qarxa kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir. Ciidanka NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Ninkii waday Boorsada ay ku jireen waxyaabaha Qarxa” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka laguma sheegin halka uu ninkaan doonayay inuu la bartilmaameedsado boorsadaan laga soo buuxiyay waxyaabaha.

Ninkaan watay boorsada qaraxyada ku jiraan ayaa la sheegay in haatan lagu hayo baaritaan, islamarkaana la horkeeni doono Cadaaladda.

Qabashada ninkaan watay boorsada qaraxyada ah ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo ciidamada xasilinta Caasimadda Soomaaliya ay si weyn u kordhiyeen mhdooyinkii dambe howlada ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee Muqdisho.