4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 16, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta u safray dalka Itoobiya
 

Jimco, February, 16, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynuhu uu gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda, ayaa lagu yiri  qoraalka madaxtooyadu soo saartay.

“Arrinta Itoobiya waayahaan ku dhaqaaqaysay weli mowqifkeeda meesheeduu naga taagan tahay.  Waana mowqif ay adag tahay si aan uga tanaasulno in aanay muuqan. Dalkeennu in lasoo galgalo waa riyo aan soconayn, horey waan u sheegnay. Farrintaas ayaan caalamka la wadaagaynaa,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Diblumaasiyiin sare oo ka socda dowladda Maraykanka iyo Midowga Afrika ayaa isku dayaya inay wada hadal siiyaan madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya, si ay xal uga gaaraan xiisadda badda.