4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 16, 2024
Puntland oo gacanta kusoo dhigtay dabley nin ganacsade ah Gaalkacyo ku dilay
 

Jimco, February, 16, 2024 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay dabley ku eedeysayn inay shalay Gaalkacyo ku dileen nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil.

Dableyda ayaa lagasoo qabtay degaanka Bursaalax oo Gaalkacyo uga beegan dhinaca Galbeed, kaddib markii guddoomiyaha gobolka Mudug iyo ciidamo uu watay ay ku baxeen sida gacanta loogusoo dhigo raggaan oo Gaalkacyo isaga cararay markii ay falka geysteen.

Ciidamada amniga ayaa ku hareereeyay goob ay ku dhuumanayeen, iyagoo markii dambe is dhiibay. Qabashadooda ayaa kusoo beegantay maalin kaddib markii dil aad looga argagaxay Gaalkacyo loogu geystay Axmed Tahiil oo ahaa ganacsade.

Waxaa lagu dilay goobtiisa ganacsi horteeda. Rag ku labisan dareeska ciidanka oo watay gaari Probax ah ayaa dilkiisa fuliyay, welise lama kala xaqiijin in dilku hal qof geystay ama qaar iyaga kamid ah.

Sababta loo dilay inkastoo aanan si buuxda weli loo helin, haddana wararka aanu helnay waxay sheegayaan in marxuumka walaalkiis iyo mid kamid ah ragga falka geystay uu ka dhex taagnaa muran ka dhashay ilmo yar oo la isku haystay.