4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 16, 2024
Midowga Afrika oo ayiday musharaxnimada Soomaaliya ee kursiga Golaha Ammaanka
 

Jimco, February, 16, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys  ayaa sheegay in golaha fulinta ee Midowga Afrika ay ku ayideen Soomaaliya in ay tahay musharax kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka 2025-2026.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay tallaabadani inay ka tarjumayso kalsoonida Afrika ee Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay inay qaadato door muhiim ah oo caalami ah.

Soomaaliya ayaa sheegtay  in ay diyaar u tahay inay hoggaamiyo ajendaha Afrika ee nabadda iyo amniga ee UNSC.

Soomaaliya ayaa kursigan u tartami doonta bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Haddii Soomaaliya ay ku guuleysato dalabkeeda, waxay xilka sii heyn doontaa ilaa 2026, taasoo ka dhigan fursad gaar ah oo ay Soomaaliya  saameyn ku yeelan karo go’aannada caalamiga ah.