4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 15, 2024
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Maanta ka shiray arrimo badan oo muhiim ah
 

Khamiis, February, 15, 2024 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa looga hadlay howlgalada lagu ciribtirayo Ururka Al-shabaab ee ka socdo qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Waxaa sidoo kale arrimaha shirka looga arinsaday ka mid ahaa horumarka ay ku talaabsatay sanadihii ugu dambeeyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxaana kulanka shir guddoomiyay Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Shirka Golaha wasiiradda ayaa warbixino la xariira amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha Soomaaliya, kuwaas oo soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgaladii ugu danbeeyey ee dalka looga xoreeyey kooxda Al-shabaab.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale Golaha Wasiiradda warbixin faahfaahsan ka siisay howlaha duulimaad ee dalka, islamarkaana sheegtay iney si buuxdo gacanta ugu hayso maamulka iyo maareynta Hawada Soomaaliya.

Golaha Wasiiradda ayaa gabagabadii kulanka ku boggaadiyay Wasaaradda Cadaaladda dadaalka dheeraadka ah ay ku bixisay geeddi socodka dib u eegista iyo qabyo tirka Dasuuurka dalka oo haatan doodaha lagu dhameystirayo ay hortaalo Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maalin walba oo Khamiis ah kulan ka yeesha  xaaladaha markaasi ka taagan guud ahaan dalka.