4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 15, 2024
Kooxo hubaysan oo nin ganacsade ah ku dilay magaalada Gaalkacyo
 

Khamiis, February, 15, 2024 (HOL) - Kooxo hubaysan ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade lagu magacaabo Axmed Tahliil, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi oo kutaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dableyda dishay ayaa goobta isaga baxsaday markii ay falkaan geystaan, lamana oga cidda ay katirsan yihiin iyo sababta loo dilay ganacsadahan.

Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi ee Puntland, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka. Maamulka gobolka Mudug ayaa waday dadaalo xal looga gaarayo colaadda ka dhalatay dilalka caynkaan ah.

Bishii September ee sanadkii hore, dhaqtar dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Sakariye Cadceed Jaamac ayaa lagu dilay goobtiisa caafimaad xilli habeen ah.

Dadkii ka dambeeyay dilkiisa weli gacanta laguma soo dhigin.

Hay’adda amniga ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen inay soo qabtaan eedeysanayaasha ku eedeysan dilalka aanooyinka qabiilka la xiriira.