4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2024
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo si kulul u dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh
 

Talaado, February, 13, 2024 (HOL) - Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warsaxafadeed ay si wadajir ah usoo saareen si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsaxafadeedka ayay ku sheegeen labada madaxweyne inuu fashilmay dadaalo ay doonayeen iney ku dhameeyaan khilaafka ka dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

"Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasoo keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf hor leh" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Labada madaxweyne ayaa ku eedeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaaday tilaabo burburisay wadahadalka oo ay sheegeen in balantu eheyd in mudo laba isbuuc ah hakad la galiyo howlaha la xiriiro dib u eegista dastuurka, islamarkaana uu wali sii wado madaxweynaha qorshaha wax ka badalka Dastuurka.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka kasoo baxay madaxweynayaashii hore lagu sheegay in wax walba oo kala fogaasho keena uu masuuliyadeeda qaadayo madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

"Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka labada madaxweyne.

Warkaan kasoo baxay madaxdii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudo dheer uu taagan yahay khilaafka ka dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo maamulka Puntland, islamarkaana dowladda ay haatan ku howlan tahay dhameystirka wax ka badalka Dastuurka.