4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2024
Xisbiga UCID iyo Xukuumada Somaliland oo heshiis gaadhay
 

Talaado, February, 13, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland iyo Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa ku heshiiyay in doorashada wakhtigeeda la qabto, in hawada Somaliland lasoo celiyo iyo in heshiiska Itoobiya la hirgaliyo.

Kadib shir ay madaxtooyada ku yeesheen Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo Kulmiye.

"Waxaanu shacabka Somaliland ugu bushaaraynaynaa in lagu heshiiyay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto, 2024, bisha November, waxa kale oo aanu idiin ku bushaaraynaynaa in aanu maanta hawadeenii dib ula wareegnay" Guddoomiye Waraabe ayaa sida yidhi.

Waxa kale oo uu sheegay in sidookale lagu heshiiyay in si dhakhso ah loo hirgaliyo isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya, oo uu sheegay in uu horseed u noqon doono in Somaliland ay noqoto waddan madaxbannaan.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa dhankiisa isna sheegay in lagu heshiiyay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto, in Somaliland ay hawadeeda la wareegto, iyo in heshiiska Itoobiya deg deg loo hirgaliyo.

Golayaasha Sharcidajinta Somaliland ayaa la filayaa in ay Sabtida nuqul rasmi ah kasoo saaraan xeerka doorashooyinka, oo baryahan muran ka taagnaa.