2/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2024
Faysal Cali Waraabe oo dhaliilay Golayaasha Baarlamaanka Somaliland
 

Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shaki ka muujiyay nidaamka ay golayaasha sharci dajinta Somaliland u wadaan ansixinta xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah walaac uga muujiyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo madaxtooyada iska xaadiriyay xili shalay loo balansanaa in cod loo qaado xeerka.

"Guddoomiyuhu isaga oo golihii fadhiyo ayuu yidhi madaxtooyada ayaa layga yeedhay, waxad moodaa in anay waxba u dhaxayn wasiirka iyo guddoomiyaha baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamada sare iyo guurtida" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in hadii doorashadu markale dib u dhacdo ay noqon doonto arrin u addeegaysa cadawga Somaliland, isla markaana laga faa'iidaysan doono qalalaasaha guddaha ee Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in sharciga doorashada ururada laga dhigo mid dhigaya in ururadu ay kusoo baxaan cod haldheeri ah, halka markii hore ay ka ahayd in saddexda urur ee dhamaan gobolada min 20% ka hela codadka guud ay soo baxaan.

Xeerka doorashooyinka ayaa la filayaa in dhawaan golayaasha sharcidajintu ay kasoo saaraan nuqul laysku raacsanyahay, kadib markii ay labada aqal ku kala aragti duwanaadeen qodobada qaar dhawaan.












Click here
2/12/2024 9:50 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay Macalin Iskuul oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maclow Abiikar.

2/12/2024 5:49 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa ka doodaya wax ka bedelka afar cutub oo kamid ah qodobada ugu horeeya ee Dastuurka KMG ah.

2/12/2024 4:35 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Godey si uu xariga uga jaro Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Miraad Layli ee magaalada Godey, oo qaybo cusub lagu daray isla markaana dib u habayn casri ah lagu sameeyay.

2/12/2024 2:17 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa Xalay ku guuleystay koobka kubadda Cagta Qaramada Afrika oo ay marti galineysay.

2/12/2024 1:24 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamiga ah ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

2/12/2024 1:08 AM EST
Isniin, February, 12, 2024 (HOL) - Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal ka dhan ah dadka kasoo jeeda Itoobiya ee u badan qowmiyadda Oromada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah ugusii qulqulaya halkaas.