Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ee ka howlgala deegaanada Jubbaland Gaashaanle Carab Dheeg Axmed ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee ciidamada ineysan ku dhex milmin khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka iyo Jubbaland.
Gaashaanle Carab Dheeg ayaa sido kale xusay in ciidanka Kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubbaland iney u baahan yihiin dalacsiin darajooyin ciidan ah oo ay mudan yihiin hadii ciidan la dalacsiinaayo.
Taliyaha ayaa tilmaamay inuu marar badan ka dalbaday madaxda dowladda in ciidamada ku sugan deegaanada Jubbaland ee dagaalka culus kula jira kooxda Al-shabaab iney helaan dalacsiin, hayeeshee aysan wax jawaab ah ka madaxda dowladda Fedaraalka.
"Madaxda ugu sareyso dalka kal hore ayaan ka codsanay inaan helo dalacsiin darooyin ciidan ah, mana nooga soo jawabin, balse waxaan aragnay ciidan ka tagay Daraawiishta Jubbaland oo si fudud dowladda ku siisay darajooyin dalacsiin ah, taasna wax wanaagsan maha in dowladda ciidankeeda dalacsiin weyso kuwa dano siyaasadeed ku yimidna si sahlan loo dalacsiiyo" ayuu yiri Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Carab Dheeg.
Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale xusay in ka ciidan ahaan aysan ku milmi doonin khilaafka culus ee xiligaan u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda Fedaraalka.
"Anaga shaqadeenu mahan inaan ku milano khilaaf siyaasi ah, cadawgeenu hal oo waa Khawaarijta ciidan kale waxba inagama quseeyaan oo way naga nabad galayaan, madaxdana waxaan leeyahay qori wax lagu xaliyay wali lama arkin ee xalka halkaas yuusan idinka galin, ciidankana waxaan leyahay khilaaf siyaasi ah wuu dhamaan doona ee howshiina qabsada" ayuu yiri Taliye Gaashaanle Carab Dheeg.
Hadalkaan kasoo yeeray Taliyaha Ururka 162-aad ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka maalin ka hor darajooyin ciidan ku abaal marisay ciidan dhawaan kasoo goostay maamulka Jubbaland oo kusoo biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.