12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2024
Xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya oo maanta Muqdisho laga daah furay

Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabadda daah furka xarunta badbaadada iyo Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya, Xaruntan ayaa loogu talagalay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg degga ah ee ka dhaca badaha.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii daah furkaan ka qeyb gashay, sidoo kale masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale.

Wasiir Fartaag oo khudbad halkaas ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn munaasabadaan ayaa Waxaa lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawlgallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid waxtar weyn u leh dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliyeed.