Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Dowlad Degaanka Soomaalida iyo kan Canfarta ayaa is weydaarsaday Maxaabiistii u horreysay ee lagu kala qabsaday dagaalladii iyo colaaddii u dhaxaysay labada degaan sida ay shaacisay Wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya.
Qorshaha lagula kala wareegay Maxaabiistan ayaa waxaa si wada jir ah uga soo shaqeeyay Wasaaradda Nabadda, labada Dowlad degaan, Booliska Federaalka iyo Ciidanka Militariga Itoobiya.
Dhinaca Soomaalida Maxaabiista lasiidaayay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Siti ee Dowlad degaanka Soomaalida, iyagoo dhinaca kalena shacabku ay aad usoo dhaweeyeen qorshaha lagu siidaayay Maxaabiista.
Dhinaca kale Wasaaradda Nabadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in colaadda udhaxaysay Dowlad Degaannada Soomaalida iyo Canfarta lagu dhameynayo qaab wada-hadal oo xal waara loogu helo colaaddan, isla markaana la ballaadhiyo fursadaha wada xaajoodka si aysan usoo laaban colaado mar kale ka dhex dilaaca labada degaan.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta dhanka Amniga ee labada Dowlad degaan ayaa sheegay in heshiis laga gaaray colaaddii u dhaxaysay Soomaalida iyo Canfarta, iyagoo dhinaca kale xusay inay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadaha soo noqnoqda, isla markaana bulshada labada degaan ay si nabad ah u wada noolaan lahaayeen.
Colaaddii u dhaxaysay Soomaalida iyo Canfarta ayaa waxaa ku nafwaayay dad aad u tiro badan oo labada dhinac ah, sidoo kale waxay dhibaatooyin kala duwan oo ay kamid tahay barakac xooggan soo gaaray shacabkii wada degganaa magaalooyinkii iyo goobihii la isku haystay ee khilaafku ka jiray.
Maxaabiistan ay labada dhinac is weydaarsadeen ayaa waxaa la filayaa inay soo afjarto colaaddii dheereyd ee u dhaxaysay Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo dhinaca kalena ay rajo weyn oo dhinaca Nabadda ah galisay shacabka labada degaan oo muddo aad u dheer ay ka dhex jirtay colaaddo iyo dagaallo ku qotomay muran dhul iyo muddo dheer soo jiitamayay.