1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2024
Ra'iisul Wasaare Xamsa oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta
 

Isniin, December 30, 2024 (HOL) -  Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa xusay in Wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka.

“Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna halayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa  ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay Qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla.

Wasiirka cusub Daahir Shire ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta dhaqaalaha iyo Waxsoosaarka Dalka maadama Wasaaradiisu ay kamid tahay Wasaaradaha leh wax soosarka Dakhli.

Wasiirka waxa uu carabka ku dhuftay inuu ka shaqeyn doono tayeeynta shaqaalaha Wasaaradda, Waxaana uu ka dalbaday inay kalsooni siiyaan si wada shaqeynta u wanaagsanaato.