Isniin, December 30, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay afar ruux oo ku eedeysan iney ka ganacsanayeen Xashiish iyo jawaano badan oo ay ku jiraan Xashiiska.
Afarta ruux ee lasoo bandhihay ayaa mid ka mid ah waxa uu ku hubeysnaa qori noociisu yahay AK47, waxaana ragaan la sheegay in ciidanku ku soo qabteen howlgalo ay ka sameeyeen xaafado ku yaala degmada Gubadleey ee magaalada Muqdisho.
"Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa caawa ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay laamaha amaanka dowladda.
Soo qabashada ragaan ku eedeysan ka ganacsiga Xashiishka ayaa imaaneysa, iyadoo habeenadii lasoo ciidamada amniga howlgalo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya ay ka wadeen degmooyinka magaalada Muqdisho, si looga hortago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan.
Laamaha amaanka dowladda Fedaraalka ayaa horay digniino culus uga soo saaray in laga ganacsado ama la isticmaalo Xashiishka, Qamriga iyo dhamaan waxyaabaha maanka dooriya.