Isniin, December 30, 2024 (HOL) - Shacabka ku nool xaafada Buula Weekiyo ee Degmada Xamar Jajab ayaa saakay kusoo toosay Ciidamo tira badan iyo Cagaf cagafyo la galinayo Guryihii ay Xaafada ka degaanayeen.
Sida ay dadka qaar sheegeen Shacabka Xaafadaasi ku nool ayaa waqti hore ay Dowladda ku wargelisay inay baneeyaan maadama dhulkaasi yahay mid ay Dowladu leedahay, balse shacabka oo amarkaasi kadhaga adeegay ayaa keenay in saakay xaafadaasi lagu kalaho lana burburiyo Guryihii ay ku noolaayeen.
Dhammaan wadooyinka Xaafadaasi mara ayaa saakay ay xireen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu arkayaa Ciidamo Boolis ah aad u tira badan.
Dadka qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dhiibaato la kulmeen maadama iyagoo hurdayaa Guryahoodi la galiyay Cagaf Cagafyo.
Bilihii lasoo dhaafay, Dowladda Soomaaliya ayaa waday burburinta Guryaha ku yaala Dhulka danta Guud oo sanado ay Shacab ay iska deganaayen kaa oo ay Dowladdu sheegtay in xilligaan ay iyadu usoo baahatay si danta guud ee dalka loogu adeego.
Dowladda Soomaaliya iyo laamaheedi amaanka ayaan wali kala hadal warbaahinta howlgalka gurya burburinta ee xaafada Buula weekiyo ka socda, Dowladda Soomaaliya dhanka kale waxaa ay la kulmeeysay dhaleeceyn ku saabsan in rag ganacsato ah ay ka iibineyso dhulkaasi shacabka laga kicinaayo.