1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2024
Dowladda Soomaaliya oo u mahad celisay ciidanka Burundi oo aan ka qeyb ahaan doonin howlgalka AUSSOM
 

Axad, December 29, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahad celisay ciidamada Burundi ee qeybta ka ahaa howlgallada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ATMIS) , kuwaas oo ay ku ammaantay inay  door muhiim ah ka qaateen xoojinta amniga Soomaaliya iyo la dagaallanka argagixisada.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Axmed Macallin Fiqi, ku bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada Burundi. Wasiir Fiqi wuxuu sheegay geesinimada ciidanka Burundi inay ku suntan tahay taariikhda, Soomaaliyana ay waligeed ka mahad celin doonto dhaxalka ay kaga tageen sida uu sheegay wasiirku.

Burundi oo muddo 17 sano ah kamid ahayd dalalka ciidamada ugu deeqay howlgallada nabad ilaalineed ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqday in ciidamdeeda aysan ka qeyb qaadan doonin howlgalka nabad ilaalinta ah ee soo socda, sababo la xiriira is afgarad la’aan u dhexeysa Burundi iyo Soomaaliya, taasoo ku aaddan tirada ciidamada loo ogolaanayo in la geeyo Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ayaa ahaa kuwa labaad ee ugu badan ee ka tirsan ATMIS, waxaana Soomaaliya ka joogay 5,432 askari, ka hor inta aan ciidamada lagu sameynin dhimis.