Hiiraan Online
1/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2024
Culumada Soomaaliyeed oo ka digay sii socoshada dagaal Beeleedyda ka socda Gobolada Dalka
Axad, December 29, 2024 (HOL) - Qaar kamid ah Culumaaudiinka Soomaaliyeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay dhiiga ku daadanaya gayiga Soomaaliya gaar ahaan Gobolada ay ka soconayan dagaal Beleedyada iyo dhacdadii ugu dambeeysay ee ka dhacday Ceel Baraf oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda hab qabiil loogu dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Kulankaan waxa soo abaabushay Wasaarada awqaafta iyo arrimaha islaamka si Culumada ay ujeediyaan baaqyo nabadeed iyo sida uu islaamka uu diiday inaan dhiig ladaadinin si aan loogu laabanin xilligii casrigii Jaahiliga.
Sheekh Cali Wajiis oo kamid ahaa Culumadii maanta shirtay ayaa sheegay in aan loo baahneen inay dalka kasii socdaan dagaalk qabaailka, waxaana uu ku baaqay kuwii Dilka ka geystay Ceel Baraf in Cadaalada la horgeeyo.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa kordhay baaqyada nabadeed ee ay dirayaan Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo ururada Bulshada Rayid kuwaasi oo ku baaqaya in si shuruud la'aan loojoojiyo dagaalada qabaailka Salka ku haaya.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali u suurta galin inay soo xirto kuwii dilay askar ka tirsaneeyd kuwa Qaranka.