1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2024
Puntland iyo Galmudug oo ku guul daraystay joojinta colaadda degaanka Jiicboor ee Galbeedka Gaalkacyo
 

Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Dagaal beeleedyo ka dhacay degaanka Jiicboor oo dhanka Galbeed ka xigta magaalada Gaalkacyo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyo barakac xooggan.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guul daraystay inay joojiyaan colaaddan oo u dhexeysa beelaha Sacad iyo Leelkase oo ka soo kala jeeda labada maamul, iyadoo ciidamo isku dhaf ah oo bilo ka hor la geeyay  degaanada colaaddu ka jirto aysan ku guulaysan soo celinta nabadda.

Heshiis nabadeed oo hore loogu dhex dhigay beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa dhawaan burburay, kaddib markii ay dib u soo laabteen dilal salka ku haya aanooyin qabiil, iyadoo lagu guulaysan waayay in lasoo qabto gacan ku dhiiglayaal dil geystay

Colaadda labada beel oo muddo dheer soo jiitamaysay ayaa gaartay heer halis ah, iyadoo dagaalladii ugu dambeeyay ay sababeen dhimashada tobaneeyo qof iyo dhaawaca tiro kale.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaallo argagax leh oo sii hurin kara colaadda, taasoo dhalisay cabsi ah in colaaddu ku fiddo magaalada Gaalkacyo oo sanadihii ugu dambeeyay ka nasatay dagaallada ku saleysan qabaa’ilka.

Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa ugu baaqay labada dhinac inay colaadda joojiyaan, iyagoo ka digay saameynta xun ee dagaalladu ku yeelan karaan deegaannada ka baxsan Jiicboor.

Waxay sheegeen in haddii colaadda aan la xakameyn, ay halis tahay inay ku faafto magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhow.

Dagaalka u dhexeeya labada beel ayaa salka ku haya muran dhul daaqsimeed ku yaalla galbeedka Mudug. Shirar badan oo nabadayn ah oo ka dhacay magaalooyinka Galdogob iyo Bandiiradley ayaan weli xal waara u keenin colaadda.